EACC oo sheegtay in shaqaale dowladeed uunan hayn karin wax ka badan hal jago

0
216

Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa shaqaalaha dowladda ee haya wixii ka badan hal xil ku amray inay is casilaan.
Tani ayaa timid ka dib markii ay maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha ee ismaamulka Nyeri ay go’aamisay in aynan habboonayn oo ay sharci darro tahay in qofku uu dowladdu ka hayo shaqooyin kala duwan.
Waxaa go’aankan soo saaray garsoore Onesmus Makau.
Xaakinka ayaa ka falcelinayay dacwad ay gudbisay Agnes Wanjiru oo ka mid ah barayaasha sare ee jaamacadda JKUAT oo sidoo kale intii u dhexeysay 2017-kii ilaa 2022-kii hal xilli ahaan uga tirsanayd guddiga adeegga ee golaha hoose ee ismaamulka Kirinyaga.
Garsooraha ayaa sheegay in Wanjiru aynan guddiga ka sii tirsanaan karin maadaama ay si buuxda uga shaqeyso jaamacadda.
Wanjiru ayaa ka cabanaysay amar ka soo baxay EACC oo uu dhaqangeliyay guddoonka golaha hoose ee Kirinyaga.