Militariga Israa’iil ayaa ballan qaaday inuu sii xoojin doono duqeymaha uu ka fulinaya Koonfurta Qaza.
Ugu yaraan 32 qof ayaa lagu dilay magaalada Khan Younis halka 5 kalena looga takhalusay magaalada Rafah ee Koonfurta Qaza.
Wasiirka gaashaandhigga ee Israa’iil Yoav Gallant ayaa sheegay in howlgallada ay sii socon doonaan.
Weerarradan ayaa horay loogu bartilmaameedsaday meelo ay ka mid yihiin xerooyin qaxooti.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka Falastiin ayaa laga soo xigtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ,la dilay 125 ruux halka 318 kalena la dhaawacay.
Tani iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , waxaa duqeymaha militari ee Israa’iil ee Qaza lagu dilay ugu yaraan 22,438 ruux iyadoo lagu dhaawacay 57,614 dheeraad ah.