Wasiiradda wasaaradda dhulalka iyo guriyeynta ee dalka Alice Wahome ayaa waaxda garsoorka ee wadanka ku eedeysay inay u muuqato caqabad ka dhan ah hirgelinta mashaariicda horumarineed ee dowladda dhexe.
Wahome ayaa hoosta ka xarriiqday in maxkamadaha ay go’aamadooda isku hor taagaan barnaamijyada horumarka qaran iyagoo soo saaro amarro lagu hakinaya mashaariicdan.
Wasiiradda ayaa sheegtay inay qasab tahay in howlwadeennada garsoorka la xusuusiyo waajibaadkooda iyo waajibaadka dowladda.
Alice Wahome ayaa tilmaantay in waaxda cadaaladda ee dalka laga doonayo inay isku dheellitir sameyso marka ay soo saareysa go’aamada saameynta ku leh mashaariicda horumarineed ee ay dowladdu uga gol-leedahay in shacabka ay ka faa’iidaan.
Waxay intaasi ku dartay in amarrada ku meel gaarka ah ay dib u dhigayaan fulinta qorshaha horumarineed ee dowladda talada haysa.
Wasiiradda wasaaradda dhulalka iyo guriyeynta ee dalka Alice Wahome ayaa cid kasta oo doonaysa inay dacwad ka gudbiso mashaariicda dowladda u sheegtay inay diyaar u yihiin in ay maxkamadda isugu yimaadaan balse xaakinnada looga baahan yahay in aynan marnaba dhinac la safan.
Waxay xustay in golaha fulinta ee dowladda uu fahansan yahay doorkiisa iyo u adeegidda bulshada sidaasi awgeedna ay qalad tahay in waaxda garsoorka ay u qeexdo qaabka la doonaya in dadweynaha fursad loo siiyo inay ka aragti dhiibtaan mashaariicda kala duwan.
Alice Wahome ayaa ku celcelisay in waaxda cadaaladda ee dalka ay tahay in aynan soo faragelin waajibaadka dastuuriga ee golaha fulinta ee dowladda.
Waxay dhanka kale xeer dejiyaasha ku boorrisay inay si wayn u difaacaan hindise sharciyeedyada guriyeynta ee qabyada ah ee hor yaalla baarlamaanka.
Sidoo kale garabka mucaaradka ee dalka ayay ku dhaliishay inuu isku dayaya inuu joojiyo qorshayaasha dowladda.
ADVERTISEMENT. SCROLL TO CONTINUE READING.
Wasiiradda wasaaradda dhulalka iyo guriyeynta ee dalka Alice Wahome ayaa ugu dambeyn sheegtay in ay rajeynayaan iyadoo loo maraya baarlamaanka gaar ahaan xubnaha xisbiga UDA in dadweynaha lagu qanciyo muhiimadda mashaariicda horumarineed .