Barasaabka Siaya oo dhaliil u jeediyay madaxweynaha dalka

0
230

Guddoomiyaha ismaamulka Siaya James Orengo ayaa ka falceliyay hadalkii uu maalmo ka hor jeediyay madaxweynaha dalka William Ruto ee uu ku eedeynayay waaxda garsoorka.
Orengo oo ka mid ah qareennada dalka ayaa sheegay in hoggaamiyaha dalka uunan hadalkiisa ka fiirsan sidaasi awgeedna uu khatar ku yahay ilaalinta xeerarka dastuuriga ah.
James Orengo ayaa xusay in hadalka madaxweynaha uu meel ka dhac ku yahay gobonnimada iyo awoodaha kenyaanka.
Waxaa uu u sheegay in haddii uu tabashooyin ka qabo waaxda garsoorka ee dalka inuu adeegsado nidaamka habboon sida in uu cabashadiisa u bandhigo guddiga adeegga garsoorka ee JSC.
Barasaabka ayaa sheegay in awoodaha golaha fulinta ee dowladdu ay yihiin kuwo xaddidan oo uunan madaxweynaha sameyn karin sida uu damco.