IGAD oo walaac ka muujisay khilaafka soo kala dhex galay Somaliya iyo Itoobiya

0
390

War saxaafadeed uu soo saaray xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu oo lala soo wadaagay warbaahinta Star ayaa waxaa uu walaac uga muujiyay xaaladaha soo cusboonaaday ee ka dhex taagan dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.
Tani ayaa timid ka dib markii dowladda federaalka ee Soomaaliya ay ka falcelisay heshiiskii magaalada Addis Ababa ku dhex maray dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland.
Heshiiskaasi ayaa ku saabsanaa in Somaliland ay qayb ka mid ah baddeeda ka ijaarto Itoobiya si ay iyadana dowladda dalkaasi uga hesho aqoonsi.
Urur goboleedka IGAD ayaa sheegay inuu arrintan si dhow ula socdo maadaama uu fahansan yahay saameynta ay ku yeelan karto xasillonida gobolka.
Xoghayaha fulinta ee IGAD ayaa madaxda iyo dowladaha dariska ah ee Itoobiya iyo Soomaaliya ugu baaqay inay xaaladda dejiyaan oo ay ka shaqeeyaan sidii qaab nabad ah xal looga gaari lahaa heshiiska muranka dhaliyay.
IGAD ayaa sheegtay inay ka go’an tahay xoojinta nabad galyada, xasilloonida, iskaashiga iyo isdhexgalka gobolka.