DHAGEYSO:Barasaab ku xigeenka Kajiado oo ka soo horjeestay dibadbaxyada ay mucaaradka ku hanjabeen

0
114

Ku xigeenka barasaabka ismaamulka Kajiado ,Martin Moshisho Martine ayaa ka soo horjeestay arrin uu dhawaan sheegay madaxa garabka mucaaradka ee Azimio Raila Odinga oo ahayd in haddii dowladdu aynan ka laaban adeegsiga xeerka maaliyadda ee sanadkii hore, inay dib u billaabi doonaan dibadbaxyada.
Martin ayaa hoosta ka xarriiqay in mudaaharaad la sameeyo uunan waxba soo kordhinayn.
Waxaa uu siyaasiyiinta Azimio ugu baaqay inay dowladda kala hadlaan tabashooyinka ay qabaan.
Siyaasigan ayaa sheegay in dibadbaxyadii sanadkii hore ee mucaaradka aynan waxba ka beddelin xaaladdii dhaqaale balse ay horseedeen dhimashooyin iyo burbur hantiyadeed.