Senatarka Narok oo ka falceliyay hadal uu jeediyay madaxweynaha dalka

0
205

Senatarka ismaamulka Narok Ledama Ole Kina ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ku dhaliilay hadal uu dhawaan jeediyay.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in waaxda garsoorka ay adeegsanayaan shakhsiyaad carqaladeynaya dhaqangelinta qorshaha horumarineed ee dowladda.
Senatarka ayaa madaxweynaha ku boorriyay in uu joojiyo weerarrada dhanka afka ah ee uu ku qaadaya waaxda cadaaladda oo uu u hoggaansamo amarrada maxkamadaha ka soo baxa.
Ledama Ole Kina ayaa sheegay in Kenya ay tahay dal lagu maamulo sharci sidaasi awgeedna aynan jirin cid sharciga ka sarreysa.
Senatarka ayaa sheegay in sida ku xusan qaybta 5-aad ee farqada 226 ee dastuurka dalka, mas’uul kasta si shakhsi ah lagula xisaabtamaya dafiraadda amarrada maxkamadaha.
Waxaa sidoo kale hadalkii madaxweynaha ka falceliyay qareenka lagu magacaabo Miguna Miguna.
Miguna ayaa qoraal ku sheegay in kastoo uu madaxweynaha ku waafaqsan yahay in musuqmaasuq uu ka dhex jiro waaxyaha kala duwan haddana inuu kula talinaya in uunan cabsi gelin howlwadeennada waaxda garsoorka ee dalka.
Qareenka ayaa soo jeediyay in tallaabo sharciyeed laga qaado garsoorihii aan ilaalin habdhaqanka dastuuriga ee laga doonaya.