Dowladda oo sheegtay in aan la oggolaan doonin in kooxda Mungiki ay mar kale dalka ka jirto

0
337

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa kenyaanka u xaqiijiyay in dowladdu aynan marnaba oggolaan doonin inay dib u billowdaan kooxaha la mamnuucay ee ay ka midka tahay Mungiki.
Waxaa uu dhallinyarada ku boorriyay inay ka feejignaadaan dadaallo uu sheegay inay socdaan oo ku aaddan in kooxdan la soo nooleeyo.
Gachagua ayaa hoosta ka xarriiqay in tan iyo bishii 11-aad ee sanadkii hore , qaar ka mid ah dhallinyarada gobolka Bartamaha dalka oo lala xiriirinaya Mungiki ay dhibaateynayeen shacabka gaar ahaan haweenka iyagoo lacago baad ah ka dalbanaya.
Wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ayuu ku amray in ay burburiso iskuday kasta oo khalkhal gelinaya xasilloonida guud iyo badqabka rayidka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo shalay maxkamadda ismaamulka Nyeri la soo taagay 299 qof oo ku eedeysan ka mid ahaanshaha kooxda Mungiki .
Dadkan ayaa iska fogeeyay eedeynta loo soo jeediyay waxayna maxkamadda mid waliba ku siidaysay damaanad lacageed oo ah 10,000 oo shilin.
Qareenka u doodaya oo lagu magacaabo Ndegwa Njiru ayaa maxkamadda u sheegay in eedeysanayaasha ay yihiin dhibbanayaasha bartilmaameedsi siyaasadeed.
Waxaa uu sheegay in maxkamadeynta dadkan ay ka dambeeyaan mas’uuliyiin sare oo doonaya inay aamusiyaan madaxda kale.
Kiiskan ayay maxkamadaha Nyeri soo qaadi doonaan 16-ka iyo 18-ka bishan Jannaayo.