Raila oo dowladda ugu baaqay in ay shaqooyinka si siman ugu qaybiso kenyaanka

0
174

Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio ,Raila Odinga ayaa dowladda ugu baaqay inay xaqiijiso in xubnaha qowmiyadaha kala duwan ee wadanka ku nool ay fursad siman u helaan shaqooyinka dowladeed.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Mombasa ayuu Mr. Odinga walaac ka muujiyay in maamulka talada haya uu u muuqdo inuu iska hilmaamay deegaannada qaar marka la eego shaqaaleysiinta.
Waxaa uu madaxweynaha dalka William Ruto ku eedeyay inuu sameynaya eexasho.
Raila Odinga ayaa carrabka ku adkeeyay inay qasab tahay in magacaabidda saraakiisha kala duwan ee dowladda lagu saleeyo sinnaanta goboleed.