Dowladda oo soo saartay lacagaha qaybaha nugul ee bulshada

0
251

Dowladda dhexe ayaa bixisay 2.1 bilyan oo shilin oo loogu tala galay inay ka faa’iidaystaan qaybaha bulshada ee dhibaatooyinka u nugul ee isku diiwaangeliyay barnaamijka awoodsiinta ee Inua Jamii .
Sidoo kale waxay dowladdu soo saartay 5.9 milyan oo shilin oo loo adeegsan doono wanaajinta nafaqada iyo aqoonta dhanka caafimaadka ee bulshada.
Waxaa arrinkan xaqiijisay wasiiradda wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada Florence Bore.
Waxay intaasi ku dartay in lacagahan lagu wareejin doono akoonnada bangiyeed ee in ka badan hal milyan oo qof oo diiwaangashan.
Wasiiradda ayaa hoosta ka xarriiqday in qof kasta oo dadkan ka mid ah uu heli doono 2,000 oo shilin oo ay dowladdu ugu tala gashay bishii Diseembar ee sanadkii hore.