DHAGEYSO:Shacabka oo ka falceliyay khudbadii madaxweynaha ee sanadkan cusub

0
272

Shacabka kenyaanka ah ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay khudbadii uu xarunta madaxtooyada yar ee Nakuru State Lodge ka jeediyay madaxweynaha dalka William Ruto.
Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku sheegay inuu qaaday tallaabooyin wax ku ool ah oo ku aaddan wanaajinta dhaqaalaha wadanka.
Hasa ahaate qaar ka mid ah shacabka oo dareenkooda la wadaagay warbaahinta ayaa madaxweynaha ku dhaliilay xaaladda dhaqaale iyo qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Qaar ka mid ah dadweynaha ayaa bogaadiyay tallaabooyinka uu qaadaya maamulka Kenya Kwanza sida in qiimaha lagu bixinayay caymiska caafimaadka ee NHIF oo ahaa 500 bil kasta in laga dhigay 300 oo shilin.
Sidoo kale waxaa jiro qaar ka mid ah dhallinyarada waxbartay oo aan la dhacsanayn mashruuca guriyeynta ee dowladda.
Muwaadiniinta ayaa hoosta ka xarriiqay in sanadkii hore ee 2023-kii ay soo mareen xaalado adag oo ay sanadkan cusub xoogga saari doonaan sidii ay ku sameysan lahaayeen ilo dhaqaale oo dhowr ah.
Waxay doonayaan in dowladdu ay yareyso canshuuraha dheeraadka ah ee la soo rogay si loo xalliyo sicir bararka nololeed ee dalka ka jira.