DHAGEYSO:3 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Busia

0
159

Saddex ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen shil abaare saqdii dhexe ee habeen ka hor ka dhacay deegaan baarlamaneedka Butula ee ismaamulka Busia.
Waxaa shilkaasi ku dhaawacmay dhowr qof oo kale.
Booliiska ayaa laga soo xigtay in shillka uu dhacay xilli dadka ku dhintay ay ka soo laabteen u dabbaal degga sanadka cusub ee 2024.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadweynaha ay dab qabadsiiyeen wadihii gaariga shilka galay iyo baabuurkiisa oo ahaa mid shakhsiyeed.
Waxay darawalka ku eedeeyeen inuu baabuurka u kaxeynayay si xad-dhaaf ah.
Shacabka deegaankaasi ayaa dhanka kale dowladda ugu baaqay inay wadadaasi geliso agabka lagu xakameeyo xawaaraha ay baabuurta ku socdaan.