Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Nyeri ayaa gacanta ku dhigay dhowr qof ka dib markii ay fuliyeen howlgal lagu bartilmaameedsanayay taageerayaasha madaxii hore ee kooxdii Mungiki ee wadanka laga mamnuucay Maina Njenga.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Nyeri ,Pius Murugu ayaa mamnuucay isku soo bax galinka dambe ee maanta lagu waday inuu ka qabsoomo fagaaraha Kabiru-ini.
Waxaa uu qorshuhu ahaa in Maina Njenga uu halkaasi hadal ka jeediyo.
Hasa ahaate Mr. Murugu ayaa xusay in isku soo baxaasi la qorsheeyay uu sharci darro yahay sidaasi awgeedna aan la qaban karin waxaana ismaamulka Nyeri iyo agagaarkiisa laga howlgeliyay ciidamo dheeraad ah.
Mid ka mid ah dhallinyarada Nyeri ayaa ka hadlay arrinkan.