Heerka shaqo la’aanta ka jirta xeryaha qaxootiga ee Dadaab ayaa gaartay halkii ugu sarreysay sanadkan sii dhamaanaya ee 2023-da marka loo eego sanooyinkii la soo dhaafay.
Tirada dhallinyarada ku nool xeryaha oo u dhiganta in ka badan boqolkiiba 65 dadweynaha halkaasi ku nool ayaa wajahaya shaqo abuur la’aan.
Arrintan waxaa sabab u ah dhaqaalihii la siin jiray qaxootiga oo hoos u dhacay iyo deeq bixiyaashii qaxootiga taageeri jiray oo yaraaday.
Tani ayaa sababtay in qaar ka mid ah dhallinyarada xeryaha ay saameeyeen isku buuqa maskaxeed, isticmaalka maandooriyaha iyo in ay mararka qaar is dilaan da’yarta wax bartay ee ku nool xeryaha qaxootiga ee Dadaab.
Cabdullaahi Cismaan Xaaji Aadan wuxuu ka mid yahay mas’uuliyiinta xerada IFO wuxuuna arrinkaas uga warramay wariyaha Star FM ee Dadaab Maxamad Baaruud Xuseen