Ugu yaraan 35 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen duqeymo ay Israa’iil ka gaysatay xerooyinka qaxootiga ee Nuseirat iyo Maghazi oo ku yaalla Bartamaha Qaza.
Dhanka kale ciidamada Israa’iil ayaa howlgallo ay ka fuliyeen Daanta Galbeed ee la haysto ee dalka Falastiin waxay ku xireen ugu yaraan 14 qof oo uu hal canug ka mid yahay sida ay qortay wakaaladda wararka ee Falastiin ee WAFA.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkan , waxaa weerarrada ay Israa’iil ka fulinaysa gudaha Qaza ku dhintay ugu yaraan 21,320 qof halka ay dhaawacmeen 55,603 qof oo dheeraad ah.