Warbixin cusub oo uu soo saaray xafiiska maareeyaha miisaaniyadda dowladda ee ay hoggaamiso Dr.Margaret Nyakang’o ayaa lagu sheegay in saddexdii bilood ee ugu horreysay sanad maaliyadeedka 2023-2024-ka ay wakiillada deegaannada hoose ee ismaamullada wadanka ay in ka badan 3 bilyan oo shilin u adeegsadeen safarro.
Safarradan ayaa isugu jiro kuwo maxalli iyo kuwo ay mas’uuliyiintan ku tageen qurbaha.
Waxaa dhaqaalahan qayb ka ah lacago loo siiyay gunnooyin ahaan.
Waxaa qarashaadkan ugu badan ismaamulka Nairobi oo ay safarrada gudaha dalka ee wakiillada ku baxday 94 milyan oo shilin.
Wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Nairobi waxay saddexdii bilood ee ugu horreysay sanad maaliyadeedkan, safarrada dibadda u adeegsadeen 8.9 milyan oo shilin.
Dr. Margaret ayaa warbixinteeda ku sheegtay in safaraddan aan la ansixin.
Warbinta maareeyaha miisaaniyadda dowladda waxaa ku cad in wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Migori ay safarrada gudaha wadanka ku isticmaaleen 81 milyan oo shilin halka 2.7 milyan oo dheeraad ah ay ku tageen kuna soo isticmaaleen dalalka Tanzania, Uganda iyo Norway.
Ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta waxay lacagaha ugu badan ee wakillada ku baxeen dibadda marka loo barbardhigo kuwa maxalliga ah.
17 milyan oo shilin ayaa la siiyay wakillada Mombasa waxayna ku soo isticmaaleen goobo ku yaalla dalalka Singapore, Turkey, Dubai iyo Switzerland.
Ismaamulka Narok,wakiillada golaha hoose waxaa safarrada gudaha uga baxday 45.5 milyan in kastoo aynan dibadda aadin.
Ismaamulka Marsabit, sidoo kale wakillada 3-dii bilood ee ugu horreysay sanad maaliyadeedkan ma aynan tagin dibadda balse waxay malaayiin shilin ku bixiyeen socdaalladooda maxalliga ah.
Ismaamulka Nyamira , wakillada waxaa ku safreen 32 milyan halka Nakuru ay MCA-da safarro gudaha Kenya ah ku qarash geliyeen 40.9 milyan iyadoo 9.7 milyan ay ku soo isticmaaleen Tanzania , Uganda iyo Maraykanka.
Dr. Margaret Nyakango ayaa arrinkan walaac ka muujisay waxay ku tilmaantay in safarradu ay yihiin kuwo aan muhiimad wayn lahayn oo lagu tagriifalaya kheyraadka dadweynaha.
Waxay sheegtay in wixii hadda ka dambeeya dhammaan golayaasha ismaamullada dalka laga doonayo inay helaan oggolaansho la xiriirta safarrada dibadda ka hor inta aan safarradan la guda gelin.