Ugu yaraan 40 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dalka Liberia gaar ahaan Bartamaha Waqooyi.
Madaxa waaxda caafimaadka ee Liberia , Francis Kateh ayaa laga soo xigtay in ay qaraxday mid ka mid ah booyadaha shidaalka qaada.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay meel 130 kiilomitir u jirta caasimadda Liberia ee Monrovia .
Waxaa dhacdadaasi ku dhaawacmay dhowr qof oo kale.
Francis Kateh ayaa intaasi ku daray in dabagal lagu sameynaya dad la la’yahay oo la rumeysan yahay inay ka mid ahaayeen shakhsiyaadkii ku sugnaa goobtii uu qaraxu ka dhacay.