Xaaladdda caafimaad ee hoggaamiya mucaaradka Ruuska oo laga deyrinaya

0
544

Dhakhaatiirta hoggaamiyaha mucaaradka dalka Ruushka Alexei Navalny ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad aysan wanaagsaneyn.
Waxaa ay sheegeen in Mr .Navalny ay dhici karto in uu dhinto hadii uusan helin daryeel caafimaad ka dib markii muddo saddex toddobaad uu ka soomay cuntada.
Dhakhtar lagu magacaabo Yaroslav Ashikhmin ayaa sheegay in natiijooyinkii baaritaan ugu dambeeyay ay muujinayaan inay hoos u dhaceen unugyada caawiya garaaca wadnaha iyo kalyaha ee hoggaamiyaha mucaaradk Ruushka.
Waxaa uu intaa ku daray inay keeni karto inay istaagaan, sidaasna uu ku geeriyoodo.
Navalny oo ay da’adiisu tahay 44-jir ayaa la xiray 17-kii bishii Koowaad ee sanadkan ka dib markii uu ku soo laabtay Ruushka isagoo ka yimid dalka Jarmalka halkaas oo muddo shan bilood ah lagu dabiibayay, ka dib markii sida lagu eedeeyay ay sumeysay dowladda dalkiisa, hase yeeshee eedeysantaas xukuumadda Moscow ay iska fogeysay.
Mr .Navalny ayaa lagu xukumay muddo laba sano iyo bar oo xabsi ah, sababo la xiriira musuq-maasuq, wax is-dabamarin iyo been abuur sida ay sheegeen saraakiisha Ruushka, hase ahaate wuxuu Navalny xusay in xukunkaas uu ahaa mid la xiriira siyaasad.