Hal qof oo ku dhintay shil ka dhacay Lamu

0
519

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Lamu ee gobolka xeebta ayaa sheegaya in hal qof uu dhintay halka labo kale la soo badbaadiyay ka dib markii doon ay saarnaayeen ay ku qalibmatay aagga loo yaqaano Tusitiri.
Shilkan ayaa dhacay abaare 6:30 maqribnimo ee shalay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in doonta ay sidoo kale siday 60 kaartoon oo baraadha ah oo laga soo qaaday goobta khudaarta laga raro ee Mokowe oo loo waday jasiiradda Lamu.
Waxaa dhacdadan iyo khasaaraha ka dhashay warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha gaadiidka xamuulka sida ee maamulka badaha dalka Alexander Munga
Mr. Munga ayaa sheegay in aynan weli sameyn baaritaano rasmi ah oo lagu ogaanaya sababta keentay shilka balse ay u aaneynayaan xamuul xad-dhaaf ah iyo dabeylo xooggan oo jiray.
Bishii hore ayay ahayd markii 4 qof ay ku dhaawacmeen shil doon oo ka dhacay Lamu.