Waxaa saldhigga booliiska ee Ngusishi ee magaalada Timau oo ka tirsan ismaamulka Meru isku toogtay mid ka mid ah saraakiisha booliiska.
Warbixinta saldhigga booliiska ee Timau ayaa muujinaysa in Simon Gitonga uu maanta naftiisa ka takhalusay.
Waxaa uu isku dilay nooca qoriga ee ah AK 47 oo uu ku shaqeynayay.
Meydkiisa ayaa laga dhex helay gurigiisa oo ku yaalla xarunta booliiska.
Diiwaanka dhacdooyinka ee uu nambarkiisu yahay 70128 ayaa waxaa ku cad in Simon Gitonga uu madax ka ahaa xarunta booliiska ee Ngusishi ka hor inta uunan is dilin abaare 03:45 aroornimo ee maanta.
Warbixinta waxaa ku xusan in rasaasta ay uga dhacday afka hoostiisa waxayna ka baxday foolka ama wajiga.
Booliiska ayaa sheegay inay heleen qoraal muujinaya in sarkaalka uu isku dilay caqabado dhaqaale iyo xiriir aan wanaagsanayn oo uu wajahayay.
Laamaha ammaanka ayaa ballan qaaday in marka la sameeyo baaritaano dheeraad ah inay soo saari doonaan warbixin dhameystiran.