Kuuriyada Koonfureed oo xayiraad saartay madaxa sirdoonka ee Kuuriyada Waqooyi

0
219

Dowladda dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay madaxa waaxda sirdoonka ee Kuuriyada Waqooyi Ri Chang Ho.
Xayiraaddan ayaa la saaray toddobo qof oo kale.
Shakhsiyaadkan ayaa lagu eedeyay inay sameeyeen howlo dhanka intarneetka oo sharci darro ah oo la rumeysan yahay in lagu helay lacago shisheeye oo lagu maalgeliyo hubka nukliyeerka iyo barnaamijyada gantaallada ee Kuuriyada Waqooyi.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuriyada Koonfureed ayaa arrimahan ku shaacisay bayaan ay maanta soo saartay.
Wasaaradda ayaa intaasi ku dartay in tan iyo bishii Tobnaad ee sanadkii hore ay xukuumadda Seoul xayiraad saartay 83 qof iyo 53 shirkadood oo lala xiriirinaya barnaamijyada hubka nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi .