In ka badan 260 kun oo ah xaaladaha cusub ee corona oo laga xaqiijiyay India

0
575

Wararka naga soo gaaraya dalka India ayaa sheegaya in bukaannada uu soo ritay cudurka COVID-19 ay buux-dhaafiyeen isbitaallada wadankaas.
24-kii saacadood ee ugu dambeeyay wasaaradda caafimaadka ee India ayaa diiwaangelisay 261,500 oo ah xaaladaha cusub ee cudurka.
Tani ayaa tirada guud ee kiisaska corona ee wadankaas ka dhigtay ku dhawaad 14.8 milyan.
Sidoo kale waxaa halkaas cudurka ugu dhintay 1,501 qof oo dheeraad ah waxayna dhimashada guud tahay 177,150.