Sarkaal booliis ah oo lagu toogtay Meru

0
240

Waxaa ismaamulka Meru lagu toogtay oo halkaasi ku geeriyooday sarkaal ka tirsan ciidanka booliiska ee dalka.
Askariga ayaa lagu bartilmaameedsaday weerar gaadmo ama jid-gal ah xilli uu dib u soo celinayay in ka badan 30 neef oo lo’a ah oo la dhacay.
Warbixinta booliiska waxaa ku cad in askariga uu geeriyooday ka dib markii isbitaalka la geeyay si looga daaweeyo dhaawac ka soo gaaray dhanka madaxa.
Waxaa lagu toogtay is rasaaseyn socotay 3 saacadood oo ka dhacday meel 3 kiilomitir u jirta tuulada Ntilal.
Sidoo kale waxaa halkaasi lagu dhaawacay dhowr sarkaal oo kale.
Askariga la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Victor Kosgey wuxuuna ka mid ahaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee GSU-da.