Baadariga guud ee kaniisadaha Katholiga oo ku baaqay in ay Qaza ka dhaqan gasho xabbad joojin

0
318

Baadariga hoggaamiyo kaniisadaha Katholiga Pope Francis ayaa ku baaqay in la soo afjaro weerarrada ka socdo Qaza.
Waxaa uu ku taliyay in gargaar baniaadannimo oo dheeraad ah la gaarsiiyo shacabka halkaasi ku dhibaateysan si looga fududeeyo culeysyada ay wajahayaan.
Baadariga ayaa dhanka kale ururka Xamaas ugu baaqay inuu siidaayo maxaabiista uu gacanta uga dhigay Israa’iil.
Waxaa uu soo jeediyay in Israa’iil ay joojiso howlgallada militari iyo bartilmaameedsiga rayidka.
7-dii bishii Tobnaad ee sanadkan ayay Israa’iil sheegtay in gacanta Xamaas ay ku jiraan 240 qof in kastoo qaar ka mid ah la siidaayay.
Israa’iil ayaa hadda sheegaysa in Xamaas aynan weli soo siidayn 132 qof.
Dhanka kale in ka badan 20, 400 oo qof oo Falastiiniyiin ah ayay Israa’iil ku dishay duqeymaha ay tan iyo xilligaasi ay ka wado Qaza.