Xisbiga mucaaradka ee ODM ayaa sheegay inuu sii wadi doono inuu dowladda ka dalbado yareynta qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Bartamaha Kisumu ,Joshua Oron ayaa sheegay in baaqa arrinkan ku aaddan ee ay dirayaan uu sii jiri doono sanadka soo socdo.
Waxaa uu tilmaamay inuu madaxa xisbiga ODM , Raila Odinga ku taageeraya baaqiisa ah in dowladdu ay xalliso sicir bararka nololeed ee jira.




