Wasaarada caafimaadka ee dalka oo ka walaacsan sare u kaca mukhaadaraadka

0
210

Waaxda Caafimaadka Dadweynaha iyo Heerarka Xirfadlayaasha waxay ka walaacsan yihiin kor u kaca daroogada xili lagu guda jiro ciida masiixiyiinta.
Warbixin ay soo saartay wasaaraddu caafimaadka ee dalka waxay ku sheegtay inay lama huraan tahay in si wadajir ah wax looga qabto khataraha caafimaad, dhaqaale iyo bulsho ee la xiriira mukhaadaraadka oo ay ku jiraan kororka shilalka gaadiidka iyo arrimaha caafimaadka dhimirka.
Sida laga soo xigtay xog’hayaha guud wasaarada caafimaadka dalka Mary Muthoni, khataraha caafimaad ee la xariira maaddooyinkan ayaa ah kuwo aad u badan, kuwaas oo horseeda xanuunno jireed iyo maskaxeed oo daran, qabatimo, iyo nolol lumis.
arrimaha daroogada waxay sababaan khasaare nafeed iyo dhaawacba leh, iyo culays dhaqaale oo soo foodsaarta shakhsiyaadka, qoysaska iyo bulshada guud ahaan.
wasaarada caafimaadka ee dalka waxay doonaysa in la sameeyo wacyigalin si loo hubiyo in muwaadiniinta kenyaanka ah ay ka fogaadaan saameynta uu leeyahay mukhaadaraadka.