Shaqaale ka tirsan QM oo lagu dilay weerarrada Israa’iil

0
172

Sarkaal ka mid ahaa howlwadeennada Qaramada Midoobay ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay duqeymaha Israa’iil ay ka wado gudaha magaalada Qaza.
Issam Al Mughrabi oo 56 sano jir ahaa ayaa la shaqeynayay barnaamijka horumarka ee qaramada midoobay ee (UNDP).
Muddo 30 sano ah ayuu ka mid ahaa shaqaalaha hay’addan.
Wararka ayaa intaasi ku daray in weerarrada lagu dilay in ka badan 70 ka mid ah xubnaha qoyska sarkaalkan.
Dadka la dilay waxaa ka mid ah xaaskiisa iyo carrurtiisa.
Agaasimaha guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ,Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa u tacsiyadeeyay qoyska , ehellada iyo asxaabta sarkaalka qaramada midoobay ee lagu dilay duqeymaha dhanka cirka ee Israa’iil.
Waxaa uu ku baaqay in xabbad joojin degdeg ah ay ka dhaqan gasho Qaza isagoo sheegay inay qalad tahay in la bartilmaameedsado shaqaalaha hay’adaha samafalka.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkan waxaa weerarrada Israa’iil ee Qaza lagu dilay 136 ka mid ah shaqaalaha qaramada midoobay.