WHO oo ka dayrinaysa gaajada ka jirta Qaza

0
180

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka dayrinaysa gaajo baahsan oo ay sheegtay inay ka jirto Qaza.
Arrintan oo ay u aaneysay duqeymaha ay weli Israa’iil halkaasi ka wado ayay ku tilmaantay mid qalbi-jab ah.
Dhanka kale hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka qaxootiga Falastiin ee UNRWA ayaa sheegtay in aynan Qaza gaarsiin karin gargaar wax ku ool ah.
Waxay sheegtay in weerarrada Israa’iil ee Qaza ay sii kordhayaan.
Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee UNSC ayaa dhankiisa ku baaqay in la ballaariyo bixinta gargaarka baniaadannimo ee Qaza.