Digniin loo diray maamulayaasha dugsiyada

0
770

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa uga digay madaxda dugsiyada sare inay ku xadgudbaan awaamiirta lacagaha fiiska ee dugsiyada dowladda.
Waxaa uu xusay in qaar ka mid ah maamulayaasha dugsiyada inay kordhiyeen lacaga fiiska ay ka qaadaan waalidiinta.
Waxaa uu inta ku daray in waalidiin badan u dhaqaalahooda saameyn ku yeeshay cudurka Covid-19 islamarkaana aysan awoodin bixinta lacagaha dugsiyada.
Hadalkan ayuu ka jeediyay dugsiga hoose dhexe ee magaalada Embu ayuu sheegay inay jiraan maamuleyaal si sharci darro ah u kordhiya lacagaha fiiska islamarkaana u ugu baaqay in ay joojiyaan ka hor inta aannaan laga qaadin talaabo ay ciqaab ku mudan karaan.
Waxaa uu carabka ku dhuftay in waalidiin badan ay halgan ugu jiraan sidii ay u noolaan lahaayeen islamarkaana aysan awoodin inay bixiyaan kharashyo dheeraad ah oo ay carruurtoodu ku bartaan.
Waxaa u meesha ka saaray sheegashooyin aan run ahayn oo sheegaya in dowladda aysan bixin lacagaha ay ugu talagashay iskullada dowliga ah.
Wasiirka ayaa ku adkeystay in 14.6 bilyan oo shilin dalka loo diray xarumaha waxbarashada.
Dhanka kale xoghayaha joogtada ee wasaaradda waxbarashada Dr. Belio Kipsang ayaa maamulayaasha uga digay in carruurta guryaha u fiijiyaan kuraas yari aawadeed.
Waxaan u faray dhamaan saraakiisha waxbarashada inay hubiyaan inaan cunug gurigiisa loo dirin.