Shirkadda adeegga korontada ee dalka ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay in howlo dayactir awgood ay maanta koronto la’aan ka jiri doonto xaafadaha qaar ka mid ah ismaamullada wadanka.
Dowlad deegaannadan ayaa kala ah Nairobi gaar ahaan aagga loo yaqaano Tassia ee xaafadda Fedha , ismaamulka Trans Nzoia xaafado ka mid ah iyo Kiambu gaar ahaan Kabete.
Shalay ayay ahayd markii ay koronto la’aan ka jirtay ismaamullada gobolka xeebta sida Mombasa, Kwale, Tana River iyo Lamu taasoo loo aaneeyay dab ka kacay qaybta korontada ee Rabai.
Sidoo kale dadweynaha ku nool Garissa ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka cabanayay culeys dhanka adeegga korontada .