Madaxweynaha dalka iyo dhigiisa Jarmalka oo wada hadlay

0
252

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhigiisa Jarmalka ,Frank-Walter Steinmeier la yeeshay wada hadal dhanka taleefoonka ah.
Ruto ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu aqbalay casuumaad loo fidiyay oo ah ka qayb galka munaasabad lagu soo bandhigaya hibooyinka , dhaqamada iyo ganacsiyada qaaradda Afrika.
Bandhiggan ayaa bisha Sagaalaad ee sanadka 2024-ta lagu qaban doonaa magaalada Berlin ee dalka Jarmalka.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale sheegay in Kenya ay dowladda Jarmalka uga mahadcelinaysa taageerada dhanka tamarta ee uu siiyo.
Waxaa uu xusay in dowladda dalka ay ka go’an tahay in la sii wado heshiisyada la xiriira shaqaaleysiinta kenyaanka ee kala dhexeya Jarmalka.
William Ruto ayaa sheegay inay daneynayaan sare u qaadidda iskaashiga istaraatiijiga ah ee ka dhexeya labada waddan.
Dhanka kale , hoggaamiyaha dalka ayaa xusay inay qasab tahay in laga wada shaqeeyo dhaqangelinta go’aamadii ka soo baxay shirkii urur goboleedka IGAD ee ka dhacay dalka Jabuuti kaasoo ku saabsanaa in xasilooni waarta lagu soo dabbaalo Suudaan.
Waxaa uu sheegay in isaga iyo madaxweynaha Suudaanta Koonfureed , Salva Kiir oo khadka taleefoonka ku wada hadlay ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka ka dhexeya labada dal iyo nabadgalyada gobolka.