Ururrada bulshada oo dhaliil u jeediyay waaxda dacwad oogidda

0
235

Ururrada bulshada ee u ololeeya maamul wanaagga ayaa waaxda dacwad oogidda ee dalka ku dhaliilay inay dhawaan soo afjartay dacwado ay wajahayeen wasiirkii hore ee maaliyadda ee dalka Henry Rotich iyo eedeysanayaal kale.
Dacwaddaasi ayaa ku saabsanayd in hirgelinta mashruuca biyo xireennada ee Arror iyo Kimwarer lagu lunsaday 63 bilyan oo shilin.
Balse kiisaskan oo muddo socday ayaa ugu dambeyn meesha laga saaray ka dib markii ay maxkamaddu sheegtay in eedeysanayaasha wax dembi ah lagu waayay.
Hasa ahaate ururrada ay ka midka tahay Transparency International ayaa sheegaya in ay u muuqato in cid awood leh ay faragelisay madax bannaanida waaxda dacwad oogidda wadanka.