Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda bulshooyinka laga tirada badan yahay iyo kuwa la gacan bidixeeyay ee ku nool gudaha wadanka.
Waxaa khudbadda madaxweynaha ee arrinkan ku saabsan akhriyay madaxa wasiirrada wadanka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Musalia Mudavadi.
Xilli uu ka qayb galay xuska maalinta caalamiga ee xuquuqda bulshooyinka laga tirada badan yahay oo lagu qabtay xarunta Bomas ee magaalada Nairobi ayuu Mudavadi sheegay in fursado dheeraad ah ay heli doonaan xubnaha qowmiyadahan.
Sanadkii 1992-dii ayay ahayd markii qaramada midoobay ay ansixisay qaraar dhigaya in 18-ka bisha Diseembar ee sanad kasta xuskan la qabto.
Musalia Mudavadi oo madaxweynaha dalka matalayay ayaa sheegay in kastoo dabbaal deggan uu qabsoomayay muddo 30 sano ah in haddana Kenya ay sanadkan si rasmi ah u sameysay xuskan caalamiga ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in farqada 56-aad ee dastuurka dalka ay si cad u qeexaysa in la fuliyo barnaamijyo awoodsiin ah si bulsho kasta oo kenyaan ah ay iskaga dhex aragto maamulka iyo qorshaha horumarineed ee dowladda.
Madaxweyne William Ruto ayaa amray in dabbaal deggan sanad kasta lagu qabto gudaha wadanka laga billaabo sanadka soo socdo.
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo sheegay in fursado dheeraad ah la siin doono bulshooyinka...