Dowladda oo sheegtay in 5 sano gudahooda boqolkiiba 35 la yareyn doono qarashaadka mushaarka

0
257

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in qorshaha maamulkiisa uu yahay in muddo shan sano gudaheeda ah boqolkiiba 35 la yareeyo qarashaadka ku baxa mushaaraadka shaqaalaha dowladda .
Arrintan ayuu xusay in lagu guulaysan doono sanadka 2028-da si waafaqsan xeerka maareynta maaliyadda dadweynaha ee (PFM) Act ee sanadkii 2012.
Dowladda dhexe ayaa dhanka kale doonaysa in la qabto shirweyne looga hadlaya arrimaha mushaaraadka si qarashaadkan hoos loogu dhigo.
War-murtiyeed ka soo baxay shir ay yeesheen mas’uuliyiinta dowladda sare iyo kuwa ismaamullada ayaa lagu sheegay in guddiga mushaaraadka iyo gunnooyinka ee (SRC) oo kaashanaya guddiga farsamo ee isku xirka labada heer ee dowladda ee (IGRTC) iyo golaha barasaabyada ismaamullada ee (COG) ay si wadajir ah u qaban qaabin doonaan kulanka arrimaha mushaaraadka.