DHAGEYSO:Wadayaasha gaadiidka oo loogu baaqay in ay taxaddar muujiyaan

0
164

Wasaaradda gaadiidka iyo waddooyinka dalka ayaa maanta soo bandhigtay nidaam ay doonaysa in lagu yareeyo shilalka ka dhaca gudaha Kenya.
Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo waddooyinka , Kipchumba Murkomen ayaa hoosta ka xarriiqay in cid kasta ay mas’uuliyad ka saaran tahay ka hor tagga shilalka.
Waxaa uu rakaabka ku boorriyay inay si dhow ula socdaan habdhaqanka darawalka oo haddii ay dareemaan inuu naftooda halis gelinaya inay tallaabo qaadaan.
Murkomen ayaa mas’uuliyad darro ku tilmaamay in qof rakaab ah uu duubo qalad uu wadaha gaariga sameynaya si uu u soo dhigo baraha bulshada oo wasiirka gaadiidka loogu eedeyo inuu howshiisa gabay halkii la qaadi lahaa tallaabo degdeg ah oo taasi looga falcelinaya.

Nidaamyada maanta la soo bandhigay ayaa kala ah qaabka loo isticmaalo waddooyinka waawayn ee dalka iyo hagaha darawaliinta.
Labadan waxyaabood ayaa si bilaash ah loo qaybin doonaa sida uu wasiirku sheegay.
Wasiirka ayaa wadayaasha baabuurta , mootooyinka , baskillada iyo dadka lugeynaya hareeraha waddooyinka ku boorriyay inay bartaan xeerarka degsan si ay u xaqiijiyaan badqabkooda.

Wasiirka gaadiidka ayaa laga soo xigtay in intii u dhexeysay 1-dii bishii Koowaad ee sanadkan ilaa 7-dii bishan 12-aad in boqolkiiba 8.11 ay yaraatay tirada dadka ku dhintay shilalka marka loo barbardhigo sanadkii hore.
Dhimashada oo sanadkii hore ahayd 4,352 qof ayaa sanadkan noqotay 3,999.
Hasa ahaate waxaa dhanka kale kordhay tirada dadka ay dhaawacyada culus ka soo gaareen shilalka waddooyinka.
Kipchumba Murkomen ayaa sababta ugu wayn ee keenta shilalka ku sheegay in gaadiidka si xowli ah loo kaxeeyo.
Waxaa uu sheegay in shilalka badankoodu laga badbaadi karo haddii loo hoggaansamo xeerarka badqabka.
Wasiir Murkomen ayaa tilmaamay in boqolkiiba 90 ee dhacdooyinka shilalka ay ka dhashaan in si nabad ah aan waddada loo adeegsan.
Waxaa uu dhammaan kenyaanka ka codsaday inay mas’uuliyad iska saaraan sidii looga hortagi lahaa shilalka oo aad u bato xilli fasaxeedka Christmas.