Shaqaale ka tirsan hay’adda horumarinta shaaha ee Kenya oo la xiray

0
542

Hay’adda horumarinta shaaha ee Kenya (KTDA) ayaa dalbaneysa in si shuruud la’aan lagu sii daayo afar ka mid ah shaqaalaheeda qaabilsan qaybta teknolojiyada (ICT-da) ay xireen ciidamada booliska.
KTDA ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dhamaan shaqaalihii kale ee joogay xafiiska intii uu socday howlgalka lagu xirayay shaqaalaheeda xalay 8-dii fiidnimo lagu wargaliyay inay ka baxaan xafiisyadooda oo furan.
Dhismaha xafiisyada shaqaalahaas wali waxaa uu gacanta ugu jira ciidamada booliska.
KTDA ayaa sheegtay in shaqaalaha loo diiday inay galaan xaafiiskooda.
Si akstaba ahaate ma cadda sababta ka dambaysa howlgalka lagu xiray shaqaalaha hay’adda horumarinta shaaha ee KTDA.