Ciidamada Israa’iil oo 90 qof ku dilay duqeymo ay ka gaysteen Xero Qaxooti

0
212

Khasaara lixaad leh ayaa laga soo sheegay duqeymaha Israa’iil ay ku qaadday xeryaha qaxootiga ee Jabalia iyo Nuseirat.
Maamulka Xamaas ee Qasa ayaa sheegay in duqeymaha cirka ee Israa’iil ay ku dileen ugu yaraan sagaashan falastiiniyiin ah maalin qura xerada qaxootiga ee Jabalya.
Duqeymo dhanka cirka ah ayaa sidoo kale lagu qaaday bartamaha iyo koonfurta Qasa halkaasi oo inta badan dadka ku nool dhulkaas ay gabbaad ka dhigteen..
Ugu yaraan 18,787 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarada Israel tan iyo 7-dii October.