Waxaa ay xaalad murugo ah ka taagan tahay tuulada Muragara ee ismaamulka Kirinyaga.
Tani ayaa timid ka dib markii nin ka mid ahaa dadka qabo baahiyaha gaarka ah uu ku dhintay dab qabsaday gurigiisa.
Ninkan oo 62 sano jir ahaa ayaa magaciisa lagu sheegay Joseph Ndei.
Dabka ayaa la soo tabiyay abaare 10-kii habeenimo ee xalay.
Waxaa dhacdadan warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha booliiska ee degmada Ndia ,Moses Koskei .
Taliyaha ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aan la caddeyn sababta keentay in gurigaasi uu gubto iyadoo la filaya in baaritaano dhacdadaasi ku aaddan la billaabo.