Waxaa sare u sii kacay khasaaraha nafeed ee ka dhashay shilkii xalay fiidkii laga soo tabiyay galbeedka deegaanka Mbooni ee ismaamulka Makueni.
Dhimashada ayaa hadda ah 12 ruux.
Tani ayaa timid ka dib markii ay isbitaalka Mbooni ku geeriyoodeen labo qof oo ka mid ah toddobo ruux oo shilkaasi ku dhaawacmay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in weli la daaweynaya 8 qof oo dhaawac ah iyadoo uu qorshuhu yahay in dhaawaca ay xaaladooda caafimaad liidato loo qaado isbitaalka wayn ee Wote ee ismaamulka Makueni.
Qaar ka mid ah shacabka Makueni iyo ehellada dadka ku dhintay shilka ayaa dowladda ugu baaqay in waddadaasi ay geliso kuuskuuska lagu xakameeyo xawaaraha baabuurta.
Shilka ayaa dhacay ka dib markii uu gaariga xakameyn waayay wadaha mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda.
Shilka ayaa laga soo tabiyay aagga loo yaqaano Kwa Mbisu ee galbeedka Mbooni .
Waxaa dhacdadan iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay warbaahinta u xaqiijiyay guddoomiyaha galbeedka Mbooni ku matalo dowladda dhexe Stanislaus Apwoka .