DHAGEYSO:Raila Odinga oo dhaliil u jeediyay baarlamaanka dalka

0
207

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya , Raila Odinga ayaa xildhibaannada baarlamaanka ku dhaliilay in aynan xoogga saarin waajibaadkooda ku aaddan la xisaabtanka dowladda.
Waxaa uu mudanayaasha golaha qaran ee xeer dejinta ku tilmaamay kuwo u muuqdo inay hayaan shaqadii dowladda dhexe.
Raila Odinga ayaa tusaale u soo qaatay tallaabadii uu baarlamaanka wadanka ku ansixiyay xeerka maaliyadda ee sanadkan iyadoo canshuurta shidaalka oo horay ahayd boqolkiiba 8 laga dhigay boqolkiiba 16.

Dhanka kale wasiirkii hore ee wasaaradda gaashaandhigga dalka ahna madaxa xisbiga DAP-K, Eugene Wamalwa ayaa ka hadlay hoos u dhaca ku yimid qiimaha lagu kala iibsado noocyada kala duwan ee shidaalka.