Booliis iyo militari lagu dilay Pakistan

0
237

Laamaha ammaanka ee dalka Pakistan ayaa sheegay in dhowr sarkaal oo isugu jiro booliis iyo militari lagu dilay Waqooyiga Galbeed ee wadankaasi ka dib weerarro ay gaysteen kooxo hubeysan.
Waxaa halkaasi ku dhaawacmay ciidamo dheeraad ah.
Weerarrada oo saaka dhacay ayaa lala eegtay saldhig booliis iyo xero militari.
Saddex cishe ka hor ayay ahayd markii qof isa soo miidaamiyay uu 23 ka mid ahaa ciidamada qalabka sida ee Pakistan uu ku dilay isla gobolkaasi Khyber Pakhtunkhwa.