Kindiki oo sheegay in IPOA ay xaq u leedahay in ay baarto habdhaqanka booliiska

0
252

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa difaacay waajibaadka maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliiska dalka ee IPOA.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maamulkan uu awood dastuuri ah u leeyahay inuu baaro habdhaqanka ciidamada booliiska ee dalka.
Kindiki ayaa xusay in shaqooyinka maamulka IPOA ay ka mid tahay inuu iftiimiyo xadgudubyada ay booliiska u gaystaan shacabka .
Waxaa uu tilmaamay in shaqooyinka taliyaha guud ee booliiska , guddiga qaran ee adeegga booliiska iyo maamulka IPOA aynan isku mid ahayn sidoo kalena aynan jirin waax midda kale liddi ku ah.
Wasiirka ayaa sheegay in dhammaan laamahan ay wada shaqeeyaan balse dastuurka Kenya uu qeexaya waajibaadkooda gaarka ah.
Kithure Kindiki ayaa sheegay in ay qasab tahay in qaab sharci ah loo ciqaabo askariga si qaldan u adeegsada hubka ay dowladdu siisay iyo shaqada uu qaranka u haya.
Waxaa uu ku celceliyay in aan marnaba la oggolaan karin in qaar ka mid ah saraakiisha booliiska ay sameeyeen qaladaad ama xadgudubyo dhaawacaya sumcadda ciidamada kale.