Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in tan iyo billowgii sanadkan la dilay 37 ka mid ahaa ciidamada booliiska .
Dilalkan ayaa intooda badan ka dhashay falal argagixiso oo saraakiishan lagu bartilmaameedsaday iyagoo ku guda jiro howlahooda shaqo.
Wasiirka ayaa xusay in askartan ay isugu jiraan 35 booliis iyo labo ka mid ah ciidamada waaxda asluubta.
Arrintan ayuu ka sheegay munaasabad ka dhacday deegaanka Embakasi ee ismaamulka Nairobi oo lagu xusuusanayay saraakiishii ammaanka ee geeriyooday iyagoo qaranka u adeegaya.
Waxaa uu saraakiisha ammaanka ku boorriyay in hubka ay sitaan ay isku difaacaan marka ay khatar soo foodsaarto.
Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japheth Koome ayaa dhankiisa digniin u diray xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee weerarrada ku bartilmaameedsada ciidamada amniga isagoo carrabka ku adkeeyay in dhacdooyinkaasi aynan marnaba cabsi gelin doonin.
Qoysaska ay ciidamadan ka baxeen ayaa dowladda dhexe ka codsaday inay xoogga saarto sidii saraakiisha ammaanka loo siin lahaa agabka aynan xabbadu karin ee ay isku badbaadin karaan marka ay shaqeynayaan.




