Sakaja oo sheegay in aan la dumin doonin guriyaha ku yaalla dhulka qoyska Kirima

0
277

Barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa sheegay in guriyaha laga dhistay aagga loo yaqaano Njiru ee deegaanka Embakasi aan la dumin doonin.
Tani ayaa timid ka dib markii maxkamadda arrimaha deegaanka iyo dhulalka ee Kisumu ay sheegtay in dhulkaasi uu leeyahay qoyska maalqabeenkii geeriyooday ee Gerishon Kamau Kirima.
Maxkamadda ayaa qoysaska halkaasi deggan u qabatay ilaa 31-da bishan Diseembar si ay uga guuraan haddii kale in si qasab ah dhulkaasi looga saari doono si loogu wareejiyo qoyska Kirima.
Hasa ahaate guddoomiyaha Nairobi ayaa sheegay in arrintan lagala hadlay qoyska sidaasi awgeedna lagu heshiiyay ka hor tagga burbur hantiyadeed.
Waxaa uu xusay in wada hadallada ay weli socdaan oo qoyska Kirima ay diyaar u yihiin in dadka dhulkooda deggan ay si tartiib ah lacago u bixiyaan.