Guddoomiyaha ismaamulka Wajeer Axmad Cabdullahi ayaa soo saaray digniin ku socoto howlwadeennada dowlad deegaankaasi.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay jiraan qaar ka mid ah shaqaalaha oo sheegta lacago aynan u xaq lahayn sida gunnooyin iyagoo adeegsanaya diiwaan been abuur ah.
Barasaabka ayaa carrabka ku adkeeyay inuunan marnaba oggolaan doonin in kheyraadka dadweynaha lagu isticmaalo si sharci darro ah iyadoo cid gaar ah loo daneynaya.
Dhanka kale waxaa uu hoosta ka xarriiqay in shakhsiyaadkan laga doonayo inay si hufan oo aan habacsanaan lahayn ugu adeegaan bulshada isagoo wacad ku maray in cidii ka gaabisa shaqadii loo igmaday la eryi doono.
Axmad Cabdullahi ayaa xusay inay sifeeyeen hannaanka mushaar bixinta ee dowlad deegaanka Wajeer in kastoo ay suurtagal tahay inay weli jiraan shaqaale been abuur ah balse ay xaaladdu isbeddeli doonto bisha koowaad ee sanadka dambe.
Dhanka kale barasaabka ayaa ka digay aasaasidda tuulooyin cusub tani oo uu tilmaamay inay bulshada u horseeddo dagaal beeleedyo.




