Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay kiiska shilka ee uu ku lug leeyahay wiilkiisa

0
490

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in wiilkiisa uusan ka soo cararin wadanka Turkiga, ka dib markii shil uu gaystay dhimasho uu ku galay magaalada Istanbul.
Waxaa uu intaasi ku daray in uu wiilkiisa kula taliyay in uu dib ugu laabto oo uu isku soo taago maxkamad.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siinayay wakaaladda wararka ee AP ayaa u sheegay in wiilkiisa oo 40 jir ah, oo dhakhtar ah uu muddo maalmo ah ku sii sugnaa goobta uu shilku ka dhacay ee magaalada Istanbul.
“Wuxuu ahaa shil, muu cararin, ee waxa uu u qabsaday qareen u doodaya,” ayuu yiri madaxweynaha oo intaasi ku daray in aynan jirin wax amar ah oo lagu xirayo wiilkiisa.
Waxaa uu sheegay in wiilkiisa uu ganacsi ku leeyahay dalka Turkiga.
“Waxaan kala hadlayaa inuu dib ugu laabto oo uu horyimaado maxkamadda, laakiin wiilkayga waa nin weyn, “go’aankiisana isaga ayaa iska leh, balse taladaasi ayaan siinayaa,” ayuu raaciyay.
Madaxweynaha ayaa u tacsiyeeyay qoyska uu ka dhintay qof shilka galay.
“Waxaan rabaa inaan fursadan uga faa’iidaysto inaan tacsi u diro qoyska Gocer, oo aanan garanayn si aan ula xiriiro, waxaan la wadaagayaa murugada geerida wiilkooda.
“Waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan awoodo si aan u xaqiijiyo in wiilkeyga uu ixtiraamo sharciga Turkiga, uuna hor istaago maxkamadaha dalka Turkiga,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo wareysigaasi ku bixiyay xarunta Qaramada Midoobay, halkaas oo uu ku soo bandhigay qorshaha amni ee dowladdiisa.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambayn sheegay inuu Turkigu yahay dal walaal la ah Soomaaliya, islamarkaana uu ixtiraamayo shuruucda iyo cadaaladda iyo nidaamka garsoor ee wadankaasi.