Sacuudi Carabiya oo shaqaaleysiinaysa 1000 qof oo Kenyaan ah

0
209

Wasiiradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ee dalka Florence Bore ayaa sheegtay in Kenya iyo Sacuudi Carabiya ay wada gaareen heshiis ah in 1,000 qof ay halkaasi ka shaqeeyaan.
Florence Bore ayaa intaasi ku dartay in dowladda dalka ay ku howlan tahay heshiisyo noocani ah oo ay la saxiixanaysa waddamada Canada, Jarmalka Austria iyo Talyaaniga .
Bore ayaa hadda safar shaqo ku joogto Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Waxay intaasi ku dartay in 1000-ka qof ee wadankaasi laga shaqaaleysiinaya ay yihiin kalkaaliyeyaal.