Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shaaciyay inuu shirkadda META kula heshiiyay in baraheeda Facebook-ga iyo Instagram ay lacago siiyaan dadka ku soo bandhigo barnaamijyada kala duwan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladda iyo shirkaddan ay soo gabagabeeyeen wada hadallada arrinkan ku aaddan.
Waxaa uu sheegay in gudaha wadanka laga sameynaya barnaamij tijaabo ah oo tani ku aaddan ka dibna dhallinyaro dheeraad ah uu dhaqaale ka soo geli doono hal-abuurkooda.
Hasa ahaate waxaa uu xusay inay qasab tahay in xogahan ay noqdaan kuwo uu qofku curiyay ama uunan meel kale ka soo miinguurin.