Dhamaan adeegyada NTSA oo lagu wareejin doono hannaanka E-Citizen

0
330

Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhinaca waddooyinka ee NTSA ayaa sheegay in marka la gaaro 2-da bisha Jannaayo ee sanadka soo socdo dhammaan adeegyadiisa laga heli doono hannanka casriga ee E-Citizen.
NTSA ayaa gaadiidleyda ku boorrisay inay xaqiijiyaan macluumaadka ay iskaga diiwaangeliyeen bartan dhijitaalka ah.
Maamulkan ayaa qorsheynaya inuu nidaamka lagu maareeyo howlaha gaadiidka ee TIMS uu xiro inta u dhexeysa 29-ka bishan ilaa 1-da bisha Koowaad ee sanadka 2024-ta.
NTSA ayaa sheegtay in muddadan gudaheeda la xaddidi doono lacagaha lagu bixiyo adeegyada kala duwan.
Agaasimaha guud ee maamulka NTSA ,George Njao ayaa sheegay in tallaabada si buuxda loogu wareegaya barta casriga ee E-Citizen looga gol-leeyahay in shacabka si gaar ah gaadiidleyda dalka loo fududeeyo helidda adeegyada dowladda.