Maraykanka oo doonaya in isbeddel lagu sameeyo qaraar uu maanta u codeyn doono golaha UNGA

0
243

Dowladda Maraykanka ayaa gudbisay isbeddel ay doonaysa in lagu sameeyo qaraar ay maanta eegi doonaan xubnaha golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay ee UNGA.
Qaraarka ayaa ku saabsan in xabbad joojin ay ka dhaqan gasho Qaza.
Hasa ahaate Maraykanka ayaa doonaya in golaha uu si cad u sheego inuu cambaareynaya weerarkii uu ururka Xamaas fuliyay 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkan iyo maxaabiista ay gacanta ku dhigeen.
Xukuumadda Washington ayaa dalbanaysa in golaha guud ee qaramada midoobay uu falkaasi u aqoonsado mid argagixisannimo.
Waxaa maanta kal-fadhi gaar ah yeelanaya 193-ka xubnood ee golaha loo dhan yahay ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa.
Tani ayaa timid ka dib markii dowladaha Masar iyo Mauritania ay codsadeen in goluhu uu yeesho fadhi degdeg ah iyadoo la adeegsanaya qaraarka muhiimka ee qaramada midoobay ee tirsigiisu yahay 377-aad kaasoo qeexaya in nabadda loo midoobo.